Axmed Madoobe: “Waxaan ka digeynaa in la qabto doorasho hal dhinac ah”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka diggay in dalkani ka dhacdo doorasho hal dhinac ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in go’aankii shalay ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya uusan aheyn mid u wanaagsan dalka,  ayna muhiim tahay in dib leysugu laabto lana diyaariyo hannaan raali laga wada yahay oo doorashadu ku dhici karto.

”Waxaan ka digeynaa in dad gaar ah inta loo yeerto la yiraahdo doorashada qabto, iyadoo la diidayo in la wada hadlo oo xal laga gaaro arrimaha leysku hayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo ka hadlayey jawaabtii uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug ayuu Axmed Madoobe sheegay in arintaasi aysan sax aheyn aysana jirin wax jawaab ah oo uu ku soo celiyay madaxweynaha Galmudug.

Waxaa uu xusay inuu diyaar u yahay fulinta heshiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho, laakiin waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in marka hore laga wadahadlo arinta Gedo.

“Doorashada inaan qabano diyaar baan u nahay, balse waana ina la abuuraa  jawi aan uga qaban karno gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaareey halkaasi maamul kama jiro, amni kama jiro, waa in Jubbaland loo daayo doorashada,”ayuu sii raaciyay.

Hadalka Axmed Madoobey ayaa imanaya xili maalintii shalay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay in laga bilaabayo doorashada maamul goboleedyada Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -