FBI oo digniin adag ka bixisay weeraro ku soo wajahan gudaha Mareykanka

Hay’adda dembi baarista Maraykanka ee FBI ayaa ka digtay suurto-galnimada weerar ballaaran oo ururka Al-Qaacida ka fuliyo gudaha Maraykanka, ka dib markii uu Maraykanku gudaha Afghanistan ku dilay hoggaamiyihii ururkaas Ayman Al-Zawahiri todobaadkii hore.

Christopher Wray oo ah Agaasimaha FBI oo u waramayey guddiga caddaaladda ee golaha Senate-ka ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo weliba kooxda ISIS iyo xulafadooduba ay doonayaan inay fuliyaan ama dhiirigeliyaan in la fuliyo weeraro waaweyn oo ka dhaca Maraykanka.

Agaasimaha FBI ayaa sheegay in xilliga dhow in ururka al-Qaacida, oo haatan hoggaankoodii la dilay, inay u badan tahay inay diiradda saaraan saamaynta ururkoodu ku leeyahay dalalka caalamka iyo inay taageeraan weerarada yaryar ee laga geysanayo Bariga iyo Galbeedka Afrika.

Agaasimaha FBI ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in ururka al-Qaacida iyo ururka ISIS garabkiisa ka dagaalama Afghanistan, inay fursad u helaan inay dib isu qaabeeyaan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya xaaladda ammaan xumo ee haatan ka jirta dalka Afghanistan, arrintaasina ay keento inay abaabulaan weeraro laga geysto gudaha dalka Maraykanka.

Arrimaha sii kordhinaya walaaca amni ee uu qabo sarkaalkan ayaa ah, iyada oo ay haatan yartahay xogta sirta ah ee ay ka helaan gudaha dalka Afghanistan.

- Advertisement -