Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Sadex nin uu ku jiro Macalinkii Dilaaga ahaa !!

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha iskool buluusiya ku toogatay sadex nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab ee dilalka ka fulin jiray magaalada Muqdisho.

Ragan la toogtay ayaa horey muuqaal laga duubay lagu baahiyay Warbaahinta dowlada iyo baraha bulshada, waxa ayna ka sheekeeyeen dilal badan ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo qaababkii ay u dhaceen.

Xubnaha la toogtay waxaa kamid ahaa Maxamed Xaaji Axmed ( Macalin Ilkacase) oo ahaa macalin iskuul sidoo kale ahaa sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheesan, waxaa sidoo kale la toogtay Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed oo la shaqeyn jiray Ilkacase.

Fagaaraha ragan saakay lagu tooganayay waxaa ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya si ay u daawadaan goobjoogna uga noqdaan sida xukunka loogu fulinayay ragan dilalka badan horey u fuliyay.

Fulinta xukunkan dilka ah ayaa kusoo aadaya xili habeen hore magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu laayay dhalinyaro badan oo waxgal ah qaarkoodna dowlada u shaqeenayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Video:-Goob fagaare ah oo lagu toogtay nin isla guursaday gabar iyo hooyadeed & Wararkii ugu dambeeyay Dilal dhacay !!

admin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo Magacaabis sameeyay

Cabdi Cade

Xasan Mustaf Dhaayow oo kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab uu katirsanaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---