Allbanaadir.com
NEWS

Biixi oo qaabilay Wufuuda Ka Qaybgalaysa Furitaanka Wejiga 1-aad ee Dekeda Berbera (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qaabiley wufuuda ku soo wajahan magaalo Marseedka Berbera oo maanta la shaacin doono furitaanka wejigii koowaad ee ballaadhinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World.
 
Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmay wefti ballaadhan oo uu hoggaamainayo wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.
 
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu qaabiley ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka Dekeda Berbera.
 
Madaxweynaha Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera ayaa gelinka dambe ee maanta si ramsiya xadhiga uga jari doonta wajiga koowaad ee ballaadhinta dekada Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/36Eg4T-9l_E

Related posts

Dowladda oo ku dhawaaqday in beri soon tahay iyo RW Xamse Bare oo hambalyo diray

Cabdi Cade

Col. Shuute oo xil ka qaadis wajahaya & Wararkii ugu dambeeyey shirarkii Villa Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir caalami ah oo ka furmay Kambala (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---