Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii caawa ka dhacay Muqdisho

Xaalada degaanka Ex-control Balcad ee Magaalada Muqdisho ayaa degan ka dib Dagaalo caawa halkaas ku dhexmaray ciidamada dowlada iyo kooxo hubeysan.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalka ayaa bilowday markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Ex-Kontrol Balcad ee degmada Heliwaa.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday rasaas culus iyo gantaalaha garabka laga tuuro ee loo yaqaano Baasuukaha, iyadoo cabsi badan ay la soo deristay dadka degan xaafadaha ku dhow goobta dagaalku ka socdo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkan, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

“Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo Mar kasta ka feejigan dhagarta cadawga  waxay ka hortageen weeraro Maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen inay ku soo qaadaan Bar laga ilaaliyo Wadada Isku  xirta Muqdisho  iyo Balcad, argagixisada Al-Shabaab waxaa halkaasi lagu gaarsiiyay khasaare xoogan  meydad badan ayayna ka carareen” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saareen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Waa habeenkii labaad ee xiriir ah oo Al-Shabaab ay weeraro ku soo qaadaan fariisimada ciidamada DF ku leeyihiin gudaha iyo duleedyada Muqdisho.

Xalay ayey aheyd markii ciidamada DF ay qabteen gaari iyo 3 ka mid ah dagaalyahano hubeysan oo weerar ku soo qaaday saldhig ay ku leeyihiin degaanka Xaawo cabdi ee wadada Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -