Markab si sharci daro ah uga Kalluumeysanayey xeebaha Puntland oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada badda Maamulka Puntland ayaa gacanta markab si sharci daro ah uga kaluumeysanayay biyaha Soomaaliya sidda ay sheegeen Masuuliyiinta ciidanka maamulka.

Ciidanka Puntland ayaa sheegay in Markabkaan ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee Puntland ka dib markii ay ka war heleen inuu halkaasi ka waday Jariif.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in markabkaasi uusan wadan wax sharci ah,  ayna la socdeen 10 shaqaale ajnabi ah oo uusan sheegin dalka ay u dhasheen

Markabka iyo shaqaalaha la socday ayuu sheegay  ku wareejiyeen hay’addaha Caddaaladda Maamulka Puntland si looga qaado talaabada sharciga ah ee ku haboon.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -