Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxaya

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan gaaro dalka Turkiga.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow villa Somalia Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlaya arrimaha diblomaasiyadda oo ka furmaya magaalada Antalya.

Shirkan ayaa la sheegay inuu yahay mid heer Wasiir Arrimo dibadeed hase ahaatee waxaa lagu casuumay dhowr hogaamiye oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda ururo dowli ah

Madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga Erdogan ayaa lagu wadaa furo shirkan oo socon doona 18-20 bishan Juun sida ay sheegeen qaban-qaabiyeyaasha shirka.

Dalalka waaweyn ee dunida sida Mareykanka iyo Yurub ayaa qaadacay shirkan looga hadlayo diblomaasiyada, waxaana ka qeyb galaya madaxda 36 dal oo u badan dalalka qaaradaha Afrika iyo Asia, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uuqeyb ka yahay madaxda shirkan ku casuuman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -