Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saudia Arabia oo mar kale qaaday talaabo sare loogu qaadayo xoriyadda Haweenka

Sacuudiga ayaa shaaciyay in haweenka dalkaasi ay isu diiwaangelin karaan xajka sanadkan iyagoo maxram la’aan ah.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa sheegtay in Haweenka loo ogol yahay gudashada waajibaadka Xajka ayaa da’adooda u dhaxeysaa 18-65 sano jir.

Bayaan Sabtidii ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xajka sanadkan loo ogolaan doono 60,000 oo qof oo ku nool Sacuudiga.

Diiwaangelinta xujeyda ayaa bilaabatay Axadii 13-kii bishan June, waxaa ayna ku egtahay 23-ka bishan, waxaana dadka xajinaya sanadkan laga rabaa iney qaataan talaalka ka hortaga COVID-19.

Sacuudiga ayaa mudooyinkan qaadayey talaabo lagu qafiifinayo xanibaada saarneyd haweenka dalkaas, waxaana waxyaabaha loo fasaxay ka mid ah, wadida gaadiidka, safarka maxram la’aan, daawashada ciyaaraha garoomada iwn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab careysan oo dibed-bax ka dhigaya bartamaha Magaalada Beladweyne

Caydiid Ali

Muxuu Dhuusamareb ka doonay Ku-simaha Raisul Wasaaraha DF Soomaaliya?

Caydiid Ali

Taageerayaasha Donald Trump oo ku baaqay in Ilhan Cumar Soomaaliya loo celiyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---