Dowlada Azerbaijan oo Maxaabiis dagaal ku bedelatay xog sirdoon oo Muhiim ah

Dowlada Azerbaijan ayaa 15 maxabuus dagaal ku wareejisay dalka Armenia iyadoo celinta maxbiistaasi uu gacan ka geystay dalka Mareykanka.

Maxabiistaasi ayaa gacanta Azerbaijan ku jiray bilooyin kaddib marki dagaal qaraar uu labada dal dhexmaray.

Labada dal ayaa sanadki hore ku dagaallamay gobolka Nagorno-Karabakh dagaalkaasoo soo dhammaaday 7 bilood ka hor markii looga adkaaday Armenia.

Azerbaijan ayaa Armenia maxaabiistaasi uga beddelatay khariidad miinooyin lagu aasay aagga Agdam oo ka mid ah dhulki ay dagaalka ku qabsatay Azerbaijan iyadoo miinooyinka xilliga dagaalka la aasay ay dhimasha iyo dhaawacba u geysteen shacab aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -