Xukuumada Somalia oo amar ku soo rogtay heyadaha degan xarunta Xalane (Akhriso)

Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somalia ayaa ku amartay heyadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee degan xarunta Xalane iney wixii hadda ka dambeeya isticmalaan magaca ah garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii heyadaha degan xarunta Xalane ay caadeysteen iney qoraalada iyo dokumentisyada ku isticmaalaan garoonka dayuuradaha Muqdisho.

Qoraalka Wasaarada oo soo baxay 17-kii bishii hore ayaa lagu sheegay iney qalad tahay isticmaalka magaca garoonka Muqdisho, loona baahan yahay in la isticmaalo magaca saxda ah oo ah garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle, maadaama loogu magac daray Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somalia Aadan Cabudlle Cismaan.

Hoos ka Akhriso qoraalka Wasaarada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -