Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo C/weli Muudey oo Muudey oo Muqdisho ku kulmay iyo Xog ku aadan ..

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Kulanka oo ahaa salaan iyo iswareysi ayaa labada masuul waxa ay sidoo kale uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada la filayo in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020-2021.

Axmed Madoobe ayaana u sheegay Cabdiweli Muudey in ay kasoo horjeedaan mudo kororsiga dowlada federaalka wado nuuca ay doonto haku timaadee, waxa uuna xusay in ay rabaan doorasho wada ogol ah oo ku dhacda waqtigii loo qorsheeyay.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Cabdiweli Muudey ayaa dhankiisa sheegay in Baarlamaanka doorkiisa ka qaadan doono doorashada la filayo in dalka ka dhacdo.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan galiyay sidii mudo kororsi u sameysan lahaayeen, hasa ahaatee waxaa damaca Baarlamaanka iyo Villa Soomaaliya kasoo horjeeda maamulada qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo siyaasadeed la leh masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dibadda ah maanta u baxay

Cabdi Cade

Xaaska Mugabi oo lagu tuhmayo qaraxii uu ka bad baaday Madaxweyne Emmerson

Cabdi Cade

Rooble oo ku fashilmay xalinta Khilaafka Guddiga Doorashada & DF oo gashay heshiis cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---