Allbanaadir.com
NEWS

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo Faraska Nabada Gudoonsiiyay R/W Rooble (Sawirro)

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ah Ugaaska Beesha Murusade ayaa maanta xarunta Degmada Dayniile oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ra’isul Wasaare Rooble ku gudoonsiiyay Faraska nabada oo loogu magac daray Rooble.

Ugaaska ayaa ku amaanay Ra’isul Wasaare doorkii nabada uu ka ciyaaray caasimada Muqdisho iyo sida dalka ugu hogaaminayay in doorasho la aado xili dalka ku jiray xaalad adag oo dhinaca amaanka iyo siyaasada.

Waxa uu sheegay Ugaas Cabdullaahi in Faraska maanta hadiyada uga dhigeen Ra’isul Wasaaraha ugu magac dareen Rooble, waxa uuna xusay in farxad u tahay in maanta kusoo dhaweeyaan Ra’isul Wasaaraha Dayniile uu xusay in ay caan ku tahay marti doorka.

Ra’isul Wasaare  Rooble ayaa dhankiisa ka gudoomay Ugaaska Cabdullaahi Faraska hadiyada ah, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay faraska la siiyay aadna uga mahad celinayo  soo dhaweynta ay reer Dayniile maanta u sameeyeen.

Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo bulshada Dayniile ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaare Rooble in ay ku taageerayaan dadaalada nabada uu wado iyo sida uu uga shaqeenayo Rooble in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Puntland oo xirtay askari fal arxan daro ah kula kacay Ilmo yar

Caydiid Ali

Xog:-Muxuu yahay isbaddalka jirkaaga ku yimaada marka aad sooman tahay?

admin

(Sawirro) Madaale oo kormeeray xarun KMG ah oo loogu talo galay in la dejiyo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---