Dowlada oo ka hadashay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay Eritrea

Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay eedeyn saacadihii lasoo dhaafay uga imaanayay siyaasiyiin iyo waalidiin caruurtooda tababar loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaa oo la sheegay in laga qeyb galiyay dagaalka gobolka Tigrey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loo geeyay Eritrea la geeyay gobolka Tigrey si ay uga dagaal galaan.

Waxa uu sheegay Wasiir Cusmaan Dubbe in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loo geeyay dalka Eritrea, hasa ahaatee waxa uu been abuur ku tilmaamay in dhalinyaradaasi ka dagaal galeen gobolka Tigrey.

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in warkan la xariira in dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay Eritrea la dagaal galiyeen ay faafinayaan siyaasiyiin uu ku tilmaamay in ay yihiin danley oo xil doon ah.

Warkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Qaramada Midoobay sheegtay in qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay Ertirea ka dagaal galeen gobolka Tigrey iyaga oo wehliya ciidamada dowlada Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -