Musharax amaanay Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska Eedeyna u jeediyay Taliyaha NISA

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku amaanay taliyaasha ciidamada booliiska iyo milatariga Soomaaliya in ay fuliyeen qodobka 4-aad ee heshiiska doorashooyinka ee dhigayey in ciidanka qalabka sida aysan ku milmin siyaasada.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in taliyaasha ciidamada booliiska iyo milatariga in aysan faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada ayna ku ekaadeen shaqadii loo igmaday.

Musharaxa ayaa ku eedeeyay taliyaha ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin in wali faragalin ku hayo uuna faraha kula jiro arimaha doorashada, waxa uuna xusay in uu door ku leeyahay magacaabista iyo kala shaandheynta guddiyada doorashada.

”Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska waxey ku ammaanan yihiin in ay fuliyeen qodobka 4-aad ee heshiiska doorashooyinka ee dhigayey in ciidanka qalabka sida uusan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada, balse taliyaha hay’adda Nabadsugidda weli faraha ayuu kula jiraa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kala shaandheynta guddiyada. Weli guddiyada waxaa ku jira xubno dharcad ah oo NISA ka tirsan.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka kasoo yeeray Musharaxan CC Warsame ayaa kusoo aadaya xili heshiiskii dhawaan gaareen Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada loogu baaqay in taliyaasha ciidamada faraha kala baxaan arimaha siyaasada iyo doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -