Gabdho nin hore xiriir ula lahaan jiray arooskiisa u yimid inay ka carqaladeeyaan !

Nin ku nool Shiinaha ayaa maalintii farxadda arooskiisa waxay isku beddeshay buuq iyo muran kadib markii tiro hablo ah oo xiriir hore uu kala dhaxayn jiray ay isku soo baheysteen si ay uga jiiraan dabaaldegga maalinta guurkiisa.

Haweenkan oo soo qaatay boor ay ku qoran tahay: “Waxaan nahay Song jaceyladiisii hore, waxaana u nimid inaan ku burburino.” Goobjoogayaasha ayaa u qaatay kaftan-dhabaale ama Prank kahor inta aysan si dhab ah u fahmin ujeedkooda oo ahaa inay xumeeyaan maalintiisa.

Haweenka ayaa la arkayaa iyaga oo wadajir u sida boorka iskuna dayaya inay si xamaasad yar u muujiyaan dareenkooda. Goobjoogayaasha ayaana la hadlaya si ay ula jeedkooda u gartaan. Waxaa xattaa usoo baxaysa xaaska cusub si ay ula hadasho.

Muuqaalka sheekadan oo aad ugu baahay baraha bulshada ayaa dhaleeceyn kulul dadku u jeediyeen ninkan oo ay ku tilmaameen mid dhagar iyo marinno badan.

Waxaase iska cad in tallaab kale oo aafeysa guurkiisa aysan dhacdadan lasoo qorsheeyey ku reebin noloshiisa ugubka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -