Hooyo Cunug yar oo labo maalin dhalanaa looga xaday Isbitaal kuyaala Muqdisho

Dhacdo dad badan layaab iyo argagax ku beertay ayaa ka dhacay Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, kadib markii gudaha isbitaalka lagu dhax xaday Wiil yar oo dhalanaa labo maalin kaliya.

Cunuga yar ee la xaday ayaa Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS lagu dhalay khamiistii lasoo dhaafay, waxaana cunugan yar la sheegay in la xaday xili hooyadii dhashay oo xanuun hayay ay huruday.

Aabaha dhalay cunugan yar oo lagu magacaabo Mustaf  ayaa sheegay in wiilkiisa curudka ah lagu xaday gudaha Isbitaalka SOS , waxa uu sheegay aabaha xili uu isku diyaarinayay in casho u geeyo xaaskiisa loo soo sheegay in cunuga yar laga xaday.

Mustaf ayaa sheegay in si deg deg ah usoo gaaray isbitaalka SOS, waxa uuna xusay in uu meel kasta ka raadiyay cunugiisa yar balse ku guul dareestay in uu helo , waxa uuna cadeeyay in booliiska ku wargaliyeen falkan lagu xaday cunugooda curudka ahaa.

“Markii aan Xaafadda tagay oo cashada aan soo qaadi rabay, ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararay, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala, qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay, wax rajo ah malihin waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf.

Dhacdada cunuga yar lagu xaday ayaa noqotay mid dad badan dareen cabsi ah ku abuurtay , mana jiro ilaa hada wax war ah ay maamulka Isbitaalka SOS kasoo saareen cunuga yar ee lagu xaday gudaha Isbitaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -