(Sawirro) Raisal Wasaaraha Magacaaban oo kulan la tashi ah la qaatay Madaxweynihii hore

Raisal Wasaaraha magacaaban ee Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihi hore ee dalka  Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed.

Xamsa iyo Shariif oo kulankooda ay ku wehliyeen Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo dhismaha xukuumada cusub marka golaha shacabku ansixiyo RW cusub.

Raisal Wasaaraha aan weli helin kalsoonida baarlamanka ayaa maalmahan ka waday magaalada Muqdisho kulamo kala duwan oo uu la yeelanayey siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay raisal wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ah xildhibaan laga soo doortay Jubbaland 30 maalin kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynenimada.

Todobaadka soo socda bilowgiisa ayaa la filayaa in golaha shacabka Somalia ay codka kalsoonida u qaadaan RW cusub oo ka dib u gudbaya dhismaha xukuumad cusub oo dalka hogaamisa afarta sano ee soo socota.

- Advertisement -