DEG DEG: Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ee Somalia oo la rasaaseeyey

Ciidamo ka tirsan DF ayaa galabta vrasaas ku furay gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud xili ay marayeen degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir

Sida Wararku sheegayaan ciidamada dowlada ee ku sugan Kontrolka Maxkamada gobolka Banaadir ayaa rasaas culus riday xili ay goobta ka gudbayeen gaadiidka gelbinayey Madaxweyne Xassan Shiikh oo halkaas marayey, kuwaasoo ka yimid dhinaca xeebta Liido.

Rasaas ayaa argagax gelisay shacabka degan degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar-weyne.

Ilaalada la socotay gaadiidkan ayey wararku sheegayaan ineysan ka jawaabin rasaasta ka dib markii uu sidaas amar ku siiyey Xassan Shiikh, lamana sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaas.

Ciidanka ee koontaroolka ku leh bartaas ayaa dhowr jeer rasaaseeyay gawaari mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo la socdeen oo u dambeeyay weerarkii gaariga Imaam Maxamed Yuusuf.
Waa weerarkii saddexaad ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ka badbaado tan iyo intii uu xukunka hayay Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee weerarkan ayaa ka duwan labadii weerar ee hore, maadaama xiisadii ka jirtay magaalada Muqdisho la xaliyay, isla markaana jawi degenaan iyo kalsooni ay ka abuurantay todobaadyadii u dambeeyay.
.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -