Wararkii Ugu Dambeeyay shirka looga hadlayo arimaha doorashada iyo qodobo dhoor ah oo…

Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii sadexaad ka socda shirka wadatashiga ee looga hadlayo arimaha doorashada, kaa oo u dhaxeeya madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan waxaa hogaaminaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la wareegay howlaha hogaaminta arimaha doorashooyinka iyo amaanka xiligan kala guurka ah.

Wararka laga heli karo shirkan u socda Dowlada federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa aad u kooban, shirka ayaana ah mid albaabada u xioran yihiin oo u dhaxeeya kaliya dhinacyada kulansan.

Sida aan wararka ku helnay hogaamiyaashan ayaa is afgarad ka gaaray qaar kamid ah qodobada shirka diirada lagu saarayay, waxaana wali taagan qodobo kale oo xasaasi ah ay ku kala aragti duwan yihiin dhinacydaa shirsan walina aysan heshiis ka gaarin.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaana madaxda dowlad goboleedyada ka codsaday in ay ka fogaadaan wax kasta oo shirka fashilin kara ayna qariyaan xogaha shirka iyo qodobada khilaafka ka jiro si aysan shacabku u niyad jabin.

Shirkan u soc da Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada oo ah kii ugu rajada fiicnaa ayaa la filayaa in gabo gabadiisa kasoo baxaan qodobo ay isku raacsan yihiin madaxda dowlada iyo kuwa maamul gobokeedyada xalna u noqon kara khilaadka doorarshada.

Wakiilada Beesha caalamka ayaana u cadaadinaya Madaxda shirka uga socdo teendhada Afisiyooni in ay dabac muujiyaan ayna shirka ku gaaraan heshiis si deg deg loogu aado dooarashada waqtigeeda dhaaftay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -