Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abay Weldu & Dr. Abraham Tekeste oo iyagoo jeebeysan laga dejiyey Addis ababa (Sawirro)

Madaxweynihii  hore ee degaanka Tigray Abay Weldu  iyo ku-xigeenkiisii hore Dr. Abraham Tekeste ayaa maanta laga dejiyey magaalada Addis Ababa iyagoo ka tiinadaysan.

Masuuliyiintan iyo Saraakiil kale ayey shalay ciidamada Itoobiya ka soo qabteen iyagoo ku dhuumanaya godadka dhul buuraley ah oo ku yaalla gobolka Tigray.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo la saftay TPLF iyo xubno ka tirsanaa maamulkii gobolka Tigray oo la soo qabtay ayaa ka mid ahaa dadka laga dejiyey magaalada Addis ababa.

Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Amaanka ayaa   Wakaalada Waraka Itoobiya ee (ENA) u cadeeyay  in wali la sii wado hawgalada sharciga lagu horkeenayo xubnihii  TPLF ka tirsanaa oo qaarkood weli baxsad ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaariga ugu Xawaaraha dheer Caalamka oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cumar Filish oo balan qaad u sameeyay Guddiga Doorashada Heer Federaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Xil ka qaadis dhowaan lagu sameeyey C/fitaax Maxamed Salaad oo la baabi’iyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---