Nin si qarsoodi ah ku dilay 40 qof, kuna aasay gurigiisa oo la qabtay (Daawo Sawirro)

Nin horay uga tirsanaa booliska dalka El Salvador ee ku yaalla koonfurta Qaarada Amerika ayaa hoygiisa laga helay Meydadka ugu yaraan 24 ruux.

Sida ay saraakiishu sheegeen Qabuuraha la helay ayaa laga yaabaa inay ku jiraan meydadka gaaraya ilaa 40 oo intooda badan loo maleynayo inay yihiin haween da’ dhexaad ah iyo gabdho yar yar.

Hugo Ernesto Osorio Chávez, oo 51 jir ah ayaa bishan lagu xiray magaalada Chalchuapa kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilay haweeney 57 jir ahayd iyo gabadheeda oo 25 jir ahayd.

Ninkan oo ahaan jiray askari ayaa marar hore lagu sameeyay baaritaanno la xiriira dambiyada jinsiga ku saleysan, wuxuuna qirtay inuu dilay labada haweenka ah, iyadoo  Dhammaan meydadka in la soo saaro ayaa qaadan kara muddo hal bil ah

Booliska ayaa aaminsan in helitaanka meydadkan ay daaha ka qaadayso sirta ka dambeysa dil qarsoodi ah oo socday muddo ka badan toban sano.

Waddanka Elsalvador wuxuu ka mid yahay dalalka qaaradda Latin Ameerika ee haweenka ugu badan lagu laayo. Dumarka ayaa loo dilaa sabab la xiriirta jinsigooda oo kaliya.

Laakiin markii ay kooxda baaritaannada qotada dheer sameeya tageen gurigiisa oo qiyaastii 78km (48 meyl) u jira magaalada caasimadda ah ee San Salvador, waxay ka heleen ugu yaraan toddobo god oo ay ku jiraan meydad, kuwaasoo qaarkood laga yaabo in la aasay sanado ka hor.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in helitaanka qabuurahan guriga ku qarsanaa uu caddeyn u yahay jiritaanka shabakad dilalka fulisa howl galeysay ugu yaraan toban sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -