Kenya iyo Soomaaliya oo kala qeybsanaya baloogyada shidaalka ee labada dal isku heestaan

Dowlada Qadar ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso in ay ku dhax dhaxaadiso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo u dhaxeeyo khilaaf ka dhashay dacwada badda ee go’aankeeda laga sugayo maxkamada Caalamiga ee ICJ.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dowlada Qadar wado qorshe labada dal uga dhaa dhicineyso in ay qeybsadaan lacagta lagu iibiyo saliida iyo gaaska laga soo saaro biyaha badda ee labada dal isku heestaan.

Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in heshiis wadaag ah ku kala saxiixdan magaalada Doha sida uu qoray Wargeyska The Strar, waxa uuna intaa ku daray in labada dal lacagaha gaaska iyo saliida lagu iibiyo u qeybsan doonaan 50%50.

Heshiis dib loo cusbooneysiiyay oo u dhexeeya labada dowladood ee dirirtu ka dhexeyso oo ay si gaar ah u aragtay Star ayaa muujinaya heshiiskii wadaagga 50:50 ee la filayo in dhawaan lagu kala saxiixdo Doha Qatar waxay si weyn u daneyneysaa shirkadda weyn ee Talyaani ee saliida ee Eni oo baaritaanno ka wada qaar ka mid ah baloogyada ku yaal dhulka lagu muransan yahay.

Diblumaasi u dhashay Qadar ah oo ku sugan Nairobi ayaa Wargeyska u sheegay  in xiriirka  diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ee dib loo soo celiyay uu yahay waxa ku dhiirrigaliyay waddamada gacanka inay dhex dhexaadiyaan oo ay xalliyaan cadaawadda ka dhalatay muranka badda ee labada dal u dhaxeeya.

Diblumaasigan codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa isaga cuskanaya xasaasiyadda arrinta ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowlada Qadar ay ilaalinayso danaheeda ku aadan saliida iyo gaaska ku jira Badweynta Hindiya.

“Waa run in Dowladda Qadar ay ka iibsatay saddex goobood oo shidaal baaris ah oo ku taal Badweynta Hindiya oo ku taal dhulka Kenya dhexdeeda iyada oo u soo marisay Qatar Petrolka sanadkii 2019. Hase yeeshee, kutladaasi kama mid aha kuwa ay ku tartamayaan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri sargaalkan.

Dowlada Kenya ayaa in mudo ah raadineysay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, halka Dowlada federaalka ka biyo diiday in khilaafkaasi wadahadal laga galo loona daayo kiiskaasi in go’aan ka gaarto maxkmaada ICJ.

Qadar oo saameyn badan ku leh dowlada Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in Xukuumada Soomaaliya ku cadaadineyso in wadahadal Kenya kala galaan khilaafka badda dibna looga soo celiyo kiiskaasi Maxkamada ICJ oo laga dhursugayo in go’aan kasoo saarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -