Israel oo burburisay 12 dhisme iyo Xamaas oo qaaday talaabo aargoosi ah

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay iney gantaallo ku burburiyeen 12 guri oo ay leeyihiin hoggaamiyeyaal ka tirsan Qaza iyadoo saddex kamid ah guryahaas saaka la duqeeyay.

Sida laga soo xigtay ciidanka Israa’iil, dagaalyahanada Falastiiniyiinta waxay u ahaayeen guryahan xarumaha hawlgalada iyo hoggaaminta.

Guryaha saaka la beegsadey waxaa ka mid ah mid uu lahaa ku-xigeenka hoggaamiyaha ciidanka dhanka waqooyi ee magaalada Gaza, hoggaamiye oo kale oo dhanka Khan Younis ah iyo hoggaamiye kale.

Shaley, hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad, ayaa lagu soo waramayaa inuu kamid ahaa dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo duqeyn hawada ah lagu diley.

Dhinaca kale, Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa’iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ambulance.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in 50 gantaal ay dagaalyahanada Falastiin ku rideen dhinaca Israa’iil halka mid kamid ah gantaalladaas uu ku dhacay dhismo ay degan yihiin dad shacab ah.

Mar sii horreysay saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in askari Israa’iili ah uu dhaawac soo gaaray kadib dagaal ka dhacay xadka.

Weli dagaalka ayaa socda, xilli dagaalyahanada Xamaas ay gantaallo ku garaacayaan Israa’iil halka Israa’iil ay duqeymo ka geysaneyso marinka Qaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -