Allbanaadir.com
NEWS

Ruto oo isbedel ku sameeyey Wasiiradii uu dhowaan Magacaabay

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isbeddel ku sameeyay golaha wasiirrada ee dhowaan uu magacaabay

Wuxuu isku beddelay Wasiirka Difaaca Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, halka Haweenayda Soipan Tuya, oo Wasaaradda deegaanka dhowaan loo magacaabay hadda loo beddelay wasaaradda difaaca.

Ducaale, ayaa isbeddelkan si deg deg u soo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay Ruto, balse ma cadda in isbeddelkan uu ku yimid cadaadiska ay gudaha Kenya ku wajahayaan siyaasiyiinta Soomaalida oo haya xilalka ugu sarreeya ee Amniga Kenya iyo haddii isbeddelkan uu ku yimid doonista Ducaale.

Haweenayda hadda qabanaysa xilka Wasiirka difaaca oo ah qareen, Soipan Tuya waxay noqonaysa haweenaydii u horreysay ee ka soo jeeda qomiyadda Maasai oo qabata jagada Wasiirka difaaca Kenya.

Related posts

Mareykanka oo wada qorshe looga hortagayo toogashada ka dhacda iskuulada

Caydiid Ali

Hoggaan dhaqanka Hiiraan oo Bayaan ka soo saaray dhismaha Goloyaasha Deegaanka (Sawirro)

Cabdi Cade

DFS oo shaacisay in maanta la dilay in ka badan 130 xubnood oo Al Shabaab ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---