Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo ka bilowday Balad Xaawo

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas goordhaw ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamo taabacsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay socoto rasaas culus ay is dhaafsanayaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya geysay Balad Xaawo iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ka amar qaadanya Wasiir Cabdirshadiid Janan.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in xoogiisa uu ka socdo duleedka magaalada Balad Xaawo halkaas ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland oo mudooyinkii dambe abaabul dagaal halkaas ka waday.

Waxii warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

- Advertisement -