(Sawirro) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci Muhiim ah

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha, Akhrinta 3aad ee Hindise sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay sualihi ay waydiyeen Xubanah Senatorada Golaha oo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, sidoo kale wasiirka ayaa codsaday Golaha in ay mariyaan akhrinta 3aad ee sharcigaan madaam uu ka mid yahay shuruucda deyn cafiska dalka uu kujiro.

Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey iyagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud. Waxaana Ogaalada 28 senatar, waxaa diiday 1 senator, cid ka amuustayna ma jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -