Allbanaadir.com
NEWS

Magaalooyin iyo Deegaano badan oo kuyaala Soomaaliya oo saakay laga ciidayo

Waxaa saakay magaalooyin iyo deegaano badan oo gacanta ugu jira dagaalyahanada kooxda Al Shabaab u tahay maalinta koobaad ee ciidul Fidriga ,kadib markii hogaanka Al Shabaab maanta shaaciyeen in ay ciid tahay.

Magaalooyinka Jilib, Bu’aale ,Ceelbuur iyo kuwa kale oo Al Shabaab gacanta ku hayaan ayaa saakay laga dukaday salaada ciida, waxaana fagaarayaal dadka ciidayay kula hadlay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Al Shabaab.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Al Shabaab maamulaan ayaa sidoo kale isugu soo baxay munaasabada ciida , waxa ayna dadkaasi iyo caruurtaba xirnaayeen dhar qurux badan oo ugu tala galeen munaasabada ciida.

Inta badan caalamka Islaamka iyo gudaha Soomaaliya ayaa maanta u tahay maalin soon ah oo ay dhameestirayaan 30-ka Ramadaan, Al Shabaab ayaana horey looga baran in si gooni ah u ciidan marka laga reebo sanadkan oo Soomaaliya kaligood ka ciidayaan.

Related posts

Nin xilli la toogan rabay horey loo cafiyay oo ugu Dambeyn la daldalay

Cabdi Cade

Wiilka madaxweyne Joe Biden oo qiranaya Saddex Dambi oo lagu soo oogay

Cabdi Cade

Cidda baahisay warqadii odayaasha Beelaha Hawiye oo la ogaaday & Qaraxyada Muqdisho oo soo badanaya !!

admin
Taboola Ads ---