Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Masaajid lagu tukanayey Salaada Jimcaha (Sawirro)

Qaraxyo ayaa ka dhacay gudaha masaajid ku yaalla magaalada Kandahar ee koonfurta dal Afghanistan kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada lala beegsaday Masaajidka Biibi Fatima oo ah Masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada Magaalada Kandahar.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay in ka badanna waa ay dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo ka mid ahaa jameeco masaajidkaas ku tukaneysay salaadii Jimcaha ee maanta.

Goob jooge ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inuu maqlay saddex qarax, mid ka mid ah albaabka weyn ee masjidka, mid kalena uu ka dhacay aagga koonfureed, iyo kan saddexaad uu ka dhacay  qeybta weysada.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha  Afganistan Qari Sayed Khosti sheegay in khasaaraha laga yaabo inuu ka badan yahay inta hadda la ogyahay

“Waan ka xunahay inaan maqalno in qarax uu ka dhacay masaajid ay ku jiraan walaalaha shiicada oo ku yaal degmada koowaad ee magaalada Qandahaar halkaasoo ay ku shahiideen kuna dhaawacmeen tiro ka mid ah dadka aan isku dalka nahay.” ayuu yiri afhayeenka.

Ciidamada gaarka ah ee Taliban ayaa gaaray Masjidka  qaraxa uu ka dhacay si ay u ogaadaan sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -