Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey iney dad ku xasuuqeen kaniisado ku yaalla Tigray

Madaxa ugu sarreeya kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda inay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray.

Wadaadkan oo lagu magacaabo Abune Mathias ayaa sheegay in dowladda habeen iyo maalinba ay ka shaqeyneysay sidii ay u burburin laheyd gobolka.

Abune Mathias oo qudhiisu kasoo jeedo Tigray ayaa sheegay in uu is xakameynayay markii uu Dagaalka ka qarxay gobolka, waana markii ugu horreysay uu ka hadlo xaaladda Tigray.

Wuxuu intaas ku daray in xitaa xasuuq laga fuliyay gudaha kaniisado ku yaalla, si bareer ahna loogu laayey dad fara badan oo aan hubeysneyn.

Dowladda Itoobiya waxay ku adkeysatay inay beegsaneysay hoggaanka TPLF balse aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -