Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo lagu riday askari dil u geestay nin lacag deyn ah ku lahaa

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, kaa oo dil bareer ah u geestay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim ayaa lagu helay in dil kas ah uu u gaystay marxuum Ex Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan, halka uu dhaawac u geestay  dhibane Xaajiyo Siidii Shiiq, dilka iyo dhaawaca ayaana ka dhacay Baraawe sannadkii hore .

Dilka ayaa sababay muran la sheegay in uu soo kala dhaxgalay marxuumka iyo askariga dilka geestay, muranka ayaana salka ku haayay lacago dayn ah oo gacan-ku-dhiiglaha  lagu lahaa, isagoona marxuumka ku dhuftay labo xabadood.

Garsoorka maxkamadda ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim dil toogasho ah, taasoo ah qisaasta Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan Xaayoow.

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa sheegtay in xukunsanaha uu heesto fursad uu racfaan uga qaadan karo xukunka  dilka ah ee maanta ku riday maxkamadda ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Mashruuc Nabadeed oo isku xiraya Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo

Caydiid Ali

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Farmaajo & madaxda dowlad goboleedyada oo kulan kale iskugu yimid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---