Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Xiriirkooda soo celiyay iyo Qadar oo gacan ka geesatay

War saxaafadeed goordhaw ku qabtay magaalada Muqdisho wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala  ayuu ku shaaciyay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya dib usoo celiyeen xiriirkii diblumaasi ee horey u xumaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in labada dowladood ku heshiiyeen in ay soo celiyaan xiriirka diblumaasi sidoo kale laga shaqeeyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal loona ilaalin lahaa daris wanaaga .

Waxa uu sheegay wasiirka in dowlada Qadar gaar ahaan Amiirka dalkaasi gacan ka geestay sidii labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya u heshiin lahaayeen loona soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee horey u joogsaday.

Warkan kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Ergay ka socday dowlada Qadar la kulmay Madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya gacana ka geestay sidii labada dal dib ugu soo celin lahaayeen xiriirka diblumaasiyadeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan ku eedeesay dowlada Kenya in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya , waxa ayna Dowlada Soomaaliya jartay xiriirkii rasmiga ahaa ee Kenya kala dhaxeeyay.

https://youtu.be/rmsd15nCYuY

Related posts

Villa Somalia oo Faahfaahisay Ergayga loo Magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Waxa uu qabanayo

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Somaliland oo ka hor yimid heshiiska Itoobiya iyo Muuse Biixi

Caydiid Ali

Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday hotel ku yaalla Magaalada Kabul (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---