Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Midowga Yurub iyo dowlada Itoobiya

Waxaa banaanka usoo baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo dowlada Itoobiya, khilaafkan ayaa ka dhashay sida kormeerayaal ka socda Midowga Yurub ula soconayaan doorashada baarlamaanka ee June ka dhaceysa Itoobiya.

Midowga Yurub ayaa go’aansaday in ay joojiyaan kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka Itoobiya oo la filayo in 5-ta bisha June ee sanadkan ka dhacdo dalka Itoobiya kadib khilaaf arintaasi ka dhashay.

Afhayeen u hadashay Midowga Yurub oo lagu magacaabo Nabila Massrali ayaa shaaciyay in Midowga Yurub joojisay in kormeerayaal u dirto doorashada Itoobiya, waxa ayna xustay in labada dhinac isku fahmi waayeen sida ay u howlgalayaan kormeerayaasha.

Nabila Massrali ayaa Warbaahinta u sheegtay in Dowlada Itoobiya ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada.

“Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub

Dowlada Itoobiya ayaa dhawaan ka biyo diiday in howlgalka Midowga Yurub uu gudaha Itoobiya la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka, waxa ayna dowlada sheegtay goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaarsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaarsiinta Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -