Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay barqadii qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay xaafad katirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa sida aan wararka ku helnay lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Surf oo la socdeen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya xili gaariga uu marayay xaafada Cali Janaale.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay sadex askari oo katirsan ciidanka booliiska hal haweeney rayid ah ku dhaawactay, waxaana qaraxa kadib goobtaasi gaaray ciidamo katirsan dowlada oo askarta dhimatay goobta ka qaaday.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan ka yaraaday magaalada Muqdisho, marka loo eego bilihii lasoo dhaafay oo qaraxyadaasi ahaayeen kuwa badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/zPOAh6ouBhk

Related posts

Markab Dagaal oo soo bad baadiyay Shaqaalihii saarnaa Markabka MV Lila Norfolk oo…

Cabdi Cade

Somalia oo diiday hadal ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Netanyahu

Caydiid Ali

Askari katirsan ciidanka Dowladda oo toogasho ka geestay xero kutaalla Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---