Mid kamid ah Gobolada dalka oo laga Iibinayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare !!

Sida aan wararka ku heleeno waxaa maalmihii dambe magaalada Muqdisho joogay wafdi ka socda gobolka Gedo, kuwaasi oo magaalada u yimid in ay qaadaan nuqulo kamid ah imtixaanaadka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka ee qaadayso wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka waxaana la sheegay in si qarsoodi ah imtixaanaadkaasi u qaadanayaan oo ay iibsan doonaan.
 
Xubnaha Muqdisho jooga oo gobolka Gedo u qaadaya imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka ayaa waxaa ay u jeedada ugu wayn ay ka leeyihiin ayaa ah in ay ardayada gobolka Gedo ay kaalimaha hore ka galaan School gobolka Gado iyo guud ahaan dalka.
 
Masuuliyiin katirsan wasaarada waxbarashada dalka ayaa la sheegay in ay fududeenayaan helitaanka imtixaanaadka dugsiyada sare dalka taasi ay ku iibsanayaan lacag qaali ah, waxaana Halkii maado laga siinayaa lacag dhan $1000 waana arrin wanaagsan in loo soo baraarugo oo wax laga qabto.
 
Sanadkii lasoo dhaafay ayaa wasaarada waxbarashada sheegtay in ardaydii ugu badnayd ee ku dhacay imtixaanka dugsiga sare ay kasoo jeedaan gobolka Banaadir taasi oo markii dambe ay cadaatay in la musuq maasuqay imtixaanka.
 
Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa imtixaanka dugsiga sare u fadhiistay in ka badan 11-kun oo arday oo dhamaan gobolada dalka ah marka laga reebo Puntland, waxaana kaalmaha ugu horeeyo galay gobolka Gedo taa oo shaki badan abuurtay.
W/Q Cabdalla Xasan Suleymaan Baliil

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -