Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Mucaaradka Somaliland oo cabasho u gudbiyey danjire Kate Foster (Sawirro)

Mucaaradka Somaliland ayaa ashrako ka dhan ah Maamulka Muuse Biixi hor dhigay Safiirka UK ee Soomaaliya oo maanta booqatay Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa Safiirka UK ee Soomaaliya Marwo Kate Foster, u gudbiyay cabasho ay ka qabaan Taliyaha Booliska Somaliland kaasoo ayku eedeeyeen inuu tacadi ku hayo musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka.

Waddani ayaa Safiirka u sheegay in Boolisku xirayaan Musharraxiin ay ansixiyeen Guddiga Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyay.

Hoggaanka Xisbiga Waddani ayaa safiirka u sheegay in aanay aqbali doonin sii socoshada xadhiga musharraxiinta Mucaaradka, ayna arrintaas ka dhalan doono cawaaqib xumo hadii aan laga joogsan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster oo uu weliyo madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown.

Warsaxafadeed kasoo baxday kulanka ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu safiirka xogwaraysi ka siiyay madaxbanaanida iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday Somaliland, iyo in ay tusaale utahay dalal badan oo geeska Afrika ah.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalka Fateh-110 oo markii u horeysay lagu duqeeyey Israel

Caydiid Ali

(Sawirro) Xassan Shiikh oo abaabulkii ugu dambeeyey ka wada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo bilowday fulinta talaabo looga jawaabayo xayiraadii fiisaha Kenya (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---