C/naasir Seeraar oo u digay Madaxda iyo Siyaasiyiinta Kismaayo u tageysa Caleemo saarka

C/naasir Seeraar Maax oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyna uga oo horjeeda Sheekh Axmed Madoobe sidoo kale Koox taageersan Kismaayo ugu doorteen in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland ayaa digniin kasoo saaray wafuuda Kismaayo ku qul quleysa.

Seeraar ayaa sheegay in ay jiraan Madax hore iyo Siyaasiyiin doonaya in Jubbaland ka dhigaan fagaaraha doorashada 2020-ka, waxa uuna ka digay in Jubbaland noqoto meel laga dumiyo qaranka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Seeraar in qaar kamid ah Madaxweynayaashii hore ay doonayaan in Kismaayo colaad ka huriyaan, waxa uu sidoo kale tilmaamay in madaxdaasi doonayaa in isbadal uga ololeeyaan Jubbaland.

” Waxaa jira siyaasiyiin u soo hanqal taagaya colaada Kismaayo iyo Jubbaland inay huriyaan, waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo aad moodo in is bedel inay halkan kaga ololeeyaan waa nasiib darro in halkan looga ciyaaro banooni oo Soomaaliya laga burburiyo, ma ogolaaneyno waa diidnay in Kismaayo noqoto goob laga duulo”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Mr Seeraar ayaa ugu baaqay Madaxda Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira iyo madaxda Puntland in ay ka waantoobaan xasarada ay ka abuurayaan magaalada Kismaayo ayna garaaca turbaanka colaadeed.

Hadalka kasoo yeeray Seeraar ayaa imaanaya xili magaalada Kismaayo kusii qul qulayaan siyaasiyiin, Madax hore iyo xubno kale oo Kismaayo u tagaya caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo doorasho aan la aqoonsan kusoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -