Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo gubay gaari qaraxyo lagu soo raray oo ku soo jeeday Muqdisho

Ciidanka Kumaandoska Danab ee xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose ay ku gubeen Gaari Qaraxyo laga soo buuxiyey.

Howlgalka oo dhacay saaka ayaa waxaa ciidanku sidoo kale sheegeen iney cagta mariyeen fariisimo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku yaalla degaanadaas.

Saraakiisha howlgalka hogaamineysa ayaa  sheegay in howlgalka qorshihiisu ahaa in laga hortago gaari Sarf ah oo lagu soo raray qarax kaasoo la doonayay inay soo galiyaan magaalada Muqdisho ka dib markii ay heleen xog ku saabsan gaarigaas.

Saraakiisha intaas ku daray in gaarigan la doonayey lagu dhibaateeyo shacab Sooman ee magaalada Muqdisho, balse uu ALLE ku guuleeyey inay ka hortagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodobo xasaasi ah oo ka tirsan dastuurka

Caydiid Ali

Dayax Madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa qarnigan oo 19ka bishan la filayo & Somalia oo..

Caydiid Ali

Masuuliyadda dilkii maanta loo geestay Lt Gen Kirillov oo la sheegtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---