Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Mucaaradka oo wali fariisimahooda jooga iyo Dowlada oo ciidamo cusub keentay…

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa xiligan ah mid aad u degan, waxaana shacabka magaalada ee qaxay saacadihii lasoo dhaafay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan guryahoodii ay ka barakaceen.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugnaa meelo aan ka fogeyn fariisimaha ciidamada mucaaradka ka sameesteen magaalada Muqdisho ayaa intooda badan laga saaray aagagaasi, waxaana ciidamada lagu celiyay xeryihii ay kasoo baxeen.

Qeybo kamid ah Muqdisho waxaa wali ku sugan ciidamada mucaaradka ee taabacsan Musharaxiinta , ciidankan ayaana wali sidoodii ugu jira dhufeesyada, waxa ayna ciidamadan sameesanayaan dhufeesyo hor leh .

Shacabka degan fariisimaha ciidamada mucaaradka joogaan ayaa wali dareemaya cabsi , mana muuqato talaabo ay mucaaradka u qaadeen in ciidankooda kala baxaan xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood.

Dhinaca kale waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasoo degay diyaarado magaalada Baladweyne kasoo qaaday ciidamo katirsan Haramcad , ciidamadan ayaana qeyb ka ah ciidamada dowlada dib ugu soo celineyso Muqdisho oo xiisad ka dhalatay.

Xaalada Muqdisho ayaa shalay galab mar qura is bedeshay kadib markii Dowlada federaalka Soomaaliya shaacisay in laga laabtay mudo kororsiga sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ku amray ciidamada in xeryhaooda dib ugu laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo shir xasaasi ah la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacay Buuraha Camalow

Cabdi Cade

TPLF oo bilowday in ay wareejiyaan hubkii cuslaa oo ay labo sanno ku dagaalamayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---