Galmudug iyo Hirshabelle oo go’aan cad ka soo saaray muddo kororsiga Farmaajo

Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ugu dambeyn soo saaray War wadajir ah oo ay kaga soo horjeesteen muddo kororsigii Baarlamanka Somalia u sameeyey heyadaha dastuuriga ee DF oo uu ku jiro Farmaajo.

Labada Maamul oo midkood horey u taageeray, kan kalena ka aamusay talaabada muddo kororsiga ayaa hadda u muuqda iney bedeleen mowqifkooda ayna si rasmi ah u diideen muddo kororsiga.

Maamuladan ayaa sheegay inay go’aanka qaateen kadib markii ay wada-tashiyo sameeyeen, sidoo kale ay arkeen xaaladaha amnidarro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan.

Waxay intaas ku dareen inay doonayaan in doorashado lagu galo heshiiskii 17-kii september 2020. “Waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgelinta heshilskil 17-kli September,” ayey yiraahdeen labada maamul

Labada maamul goobleed ayaa dhanka kale sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdooyinkii maalmihii tegay ka dhacay Muqdisho, oo ay ku dagaalameen ciidanka dowladda iyo ciidamada qaar ka kid ah musharaxiinta.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ka mid ah shanta maamul goboleed ee xubnaha ka ah DF ayaa horey uga soo horjeestay muddo kororsiga labada sano ah ee Farmaajo sameystay, waxaana hadda taageerada muddo kororsiga ku soo haray maamulka Koonfur galbeed oo kaliya.

Talaabadan ay ku qaadeen Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxay dharbaaxo siyaasadeed iyo quus ku tahay Maaxweynaha xilku ka dhamaaday ee Farmaajo oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inuu taageero u helo muddo kororsiga oo laga diiday gudaha iyo dibeda, una muuqda haatan mid dhicisooay.

Hoos ka akhriso War-saaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Galmudug iyo Hirshabelle.  

 

- Advertisement -