Joog kabo ah uu nashqadeeyay Fanaan caan ah oo lagu iibsaday $1.8 milyan (Sawirro)

Suuqa Xaraashka ee Sotheby’s ayaa lacag waali ah ku iibiyay joog kabo ah uu nashaqadeeyay sidoo kale uu xirtay fanaanka caan ah ee Kanye West ee u dhashay dalka Mareykanka.

Kabahan oo loogu magac daray Nike Air Yeezy, ayaa lagu iibsaday aduun lacageed oo gaaraya $1.8 milyan, joogan kabaha ah ayaa la sheegay in markii hore loo sameeyay tijaabo ahaan .

“Iibka kabahan ayaa ka dhigan in ay noqonayaan kabahii ugu horeeyay oo qiimahooda uu kor u dhaafo lacag gaareysa hal milyan oo doolar” ayaa laga soo xigtay Rugta Xaraashka ee Sotheby’s.

Kanye West ayaa kabahan isaga oo xiran ka qeyb galay bandhiggii abaalmarinada ee Grammys sanadkii 2008-dii, waxaana kabahan hada iibsatay shirkad lagu magacaabo RARES oo dhanka Internetka qaabilsan sidoo kale maalgalisa kabaha dhif iyo naadirka ah.

Kabahan naqshadayntooda ayaa fanaanka bilaabay sanadkii 2007-dii, isaga oo qandaraas la galay shirkadda Nike, balse 2013-kii ayuu burburay heshiiskii kadib marii uu heesaaga sheegay in qoondada kusoo aadaysa ay aad u yartahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -