Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in ay ku dhacday sadex dharbaaxo oo xiriir ah

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa guul darooyin siyaasadeed lasoo darseen tan waxii ka dambeweyay markii Xildhibaanada golaha shacabka ku darsadeen labo sano oo dheeraad ah.

Qaar kamid ah Wadamada Caalamka iyo Ururo ay ku bahoobeyn dowlado waa weyn ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay talaabada Xildhibaanada golaha shacabka mudada ku kororsadeen, waxa ayna taasi horseeday cadaadis la saaray Farmaajo iyo dowladiisa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku dhaceen sadex dharbaaxo oo talan taali ah, taa oo dowlada uu hogaamiyo ka dhigtay mid hogaamiye kooxeed oo kale.

”Farmaajo shalay seddax dharbaaxo oo talantaalli ah ayaa ku dhacday. Seddaxduba waxey dibada soo dhigeen hoggaamiye kooxeednimadiisa. Tan koowaad, waa dhacdaddii garoonka diyaaradaha oo muujisay in nabadsugiddiisu dhaqan maleeshiyaad leeyihiin. Tan labaad waa shirkii uu ku soo uruursaday haraagii hoggaamiye kooxeedka iyo kuwii hormuudka u ahaa xasuuqii Itoobiya. Tan seddexaad waa canbaareyntii uga timid Midowga Afrika, dunida inteedii kalana ku raaceen. Ruuxii maanta ka dib sii agjooga waa qof u af-duuban, sababtuba sidey doonto ha noqotee.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cbadishakuur.

Dowlada federaalka uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaan jirin cid ku taageertay mudo kororsiga Golaha shacabka u sameeyeen marka laga reebo dowlad Goboleedyadii horey u taageersanaa Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -