Bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah oo muddo kooban la hakiyey & Sababta ka dambeysa

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney muddo kooban hakisay bixinta baasaboorka Soomaaliga.

Qoraal kooban oo ay soo saartay heyaddu ayey ku sheegtay in muddo todobaad ah oo ka billaabeysa 14-ka September illaa 21-ka bishan ay hakisay qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga ah.

Sababta loo hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka ayey sheegtay heyaddu inay tahay arrimo farsamo.

“Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa Arimo in muddo todobaad ah oo ka bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka sababo farsamo awgood,”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay in la hakiyo qabashada baasaboorka Soomaaliga iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale loo hakiyey inkastoo markii dambe dib loo fasaxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -