AMISOM oo laga dalbaday iney la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada dowlada Somalia

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa ka codsaday AMISOM inay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya si looga hortaggo iska horimaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

War murtiyeedkii ka soo baxay midowga Afrika ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika looga codsaday inuu qabto shirka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan ka hadal.

“Waxaa ka codsaneynaa  AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, inay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada Amniga ee Soomaaliya, sidoo kale  waxaan  ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Wadamada Ciidamada ku biiriya AMISOM, heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa u muuqda inay ka fashilmeen qorshihii dalalka caalamka aqoonsiga uga raadinaysay muddo kororsiga ay dhowaan u sameeyeen xildhibaanaga golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -