Antonio Guterres oo dacwad ka gubiyay dowlado ay Soomaaliya ku jirto iyo Sababta keentay

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres , ayaa dacwad ka dhan ah dowlado ay ku jirto Soomaaliya u gudbiyay madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir .

Qoraalka uu Antonio Guterres u diray Madaxweynaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dowladaha Soomaaliya ,Comoros, iyo Sao Tome ay qarka u saaran yihiin in ay waayaan xuquuqdooda cod-bixinta.

Sadexdan Dowladood ayuuna sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in aysan bixin qoondadooda miisaaniyada ee bixiyaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Antonio Guterres ayaa sheegaya in dowladaha Soomaaliya ,Comoros, iyo Sao Tome ay wali ka codayn karaan kalfadhiga hadda socda oo ku eg bisha Sebtember ee sanadkan 2021, waxii ka dambeeyana xiligaas laga joojin doono codeynta hadii aysan bixin miisaaniyada.

Dowlada Soomaaliya ayaa laga doonayaa in ay bixiso lacag gaareysa $ 1,443,640 ,halka dowlada Comoros laga rabo $ 871,632, dowlada Sao Tome and Principe ayaa iyana laga rabaa lacag dhan $829,888, dowladahan ayaana hadii aysan bixin lacagahaas qaaraanka laga rabo waxa ay weyn doonaan xuquuqdooda codbixinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -