Dowladda Somalia oo qoraal ashtako ah u gudbisay danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho

Dowlada Somalia ayaa si kulul uga hadashay hadal maamo ka hor ka soo yeeray masuul ka tirsan Wasaarada arrimaha dibeda ee Kenya oo oo meel ku dhac ah madax banaanida Somalia

Wasaarada arrimaha dibeda ee xukuumada Somalia ayaa Safiirka Kenya u jooga Muqdisho Lucas Tumbo u gudbisay qoraal cabasho ah oo ka dhan ah Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo qoraal Twitterka wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal.

Qoraalka ashtakada ah ayaa lagu sheegay in hadalkaas uu halis ku yahay madax banaanida, midnimada Soomaaliya,

“Dowlada Soomaaliya waxay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac dhexmara iyo iney iskaashi dhow la yeelato deriskeeda sidaas la mid ahna ay ka rajeyneyso dowladda Kenya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Kenya.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -