Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hotel nuuca raaxada oo kuyaala Quetta (Sawirro)

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qaaday hotel nuuca raaxada ah oo kuyaala magaalada Quetta ee kutaala Koonfur Galbeed dalka Pakistan.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday hotelkan kuyaala Quetta waxaa ku dhintay afar qof halka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen 11-qof ,kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dilo safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya dalka Pakistan kaa oo ku sugnaa daqiiqado kahor inta aan hotelka la qarxin, waxaana safiirka la sheegay in markii uu qaraxu dhacayay hotelka joogin.

Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta dalka Pakistan ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah, mana jiro faah faahino badan ee kooxdaasi ka bixisay weerarkan khasaaraha kala duwan dhaliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -