Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay amar ku siiyey inay Lacag la’aan ugu adeegaan Askariga ku soo dhaawacma Difaaca Somaliland
Wasiirka ayaa sidoo kale Dhakhaatiirta takhasuska sare leh war-galiyey in ay yimaaddaan Isbitaalada Dawliga wakhtiyada ay jirto xaaladda degdega ahi.
Maamulada Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee Magaalada Hargeysa ayaan ka hadlin amarkan cusub ee lagu soo rogay.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA