Maxkamadeynta askarigii dilay George Floyd oo lagu soo gebagebeeyey Minneapolis

Maxkamadaynta Derek Chauvin askarigii booliska Magaalada Minneapolis, ee lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa dhimashadii George Floyd sanadkii tegay ayaa la soo gebagebeeyey,

Xeer-beegtidii qaadaysay dacwada ayaa haatan ka baaraandagaya go’aanka ay qaadanayaan.

Dacwad oogayaasha ayaa waxa ay xeer-beegtida u sheegeen in Mr Chauvin uu dilay Mr Floyd, hasayeeshee kooxda ninkaas difaacaysay ayaa sheegtay in macmiilkooda uu si sax ah u raacay tababarka uu boolisku siiyay.

Caro ballaaran ayaa ka dhalatay kadib markii baraha bulshada uu ku baahay muuqaalkii muujinayay qaabka arxan darrada ah ee ay booliiska u dileen George Floyd, kaasi oo la arkayay iyadoo askariga uu luqunta jilibka kaga hayo Floyd, ka hor inta uusan geeriyoon.

Derek Chauvin, ayaa hadda masiirkiisu waxa uu gacanta ugu jiraa 12 qof oo ah xeer beegti laga soo xulay dadka deggan gobolka Minnesota, kuwaas oo go’aan ka gaari doona dacwaddiisa sida ay u arkaan, isaga oo ku eedeysan labo denbi oo kala ah, dilka darajada heerka labaad iyo tan darajada heerka 3-aad.

Waxaa sidoo kale si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Minneapolis oo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -