Gaari uu la socday Taliyihii hore ee heyadda NISA oo caawa lagu rasaaseeyey Muqdisho

Sida ay sheegayaan Warar goor show na soo gaaray ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday taliyihii hore ee Hay’adda NISA.

Ciidamada rasaasta furay ayaa qeyb ka ahaa ciidamo caawa la dhigay isgoysyada magaalada Muqdisho.

Jen. C/raxmaan Tuuryare ayaa rasaas lagu furay gaarigiisa xilli uu marayey Isgoyska Mariinada ee degmada Kaaraan, waxayna wararku sheegayaan in rasaasta sare loo riday.

Wararka ayaa sheegaya inay taliyihii hore ee NISA iyo ilaaladiisa ay ka badbaadeen rasaasta lagu furay, ayna socodkooda sii wateen, waxayna arrintan qeyb ka tahay xaaladda kacsan ee Muqdisho ka jirta xilligan.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarun ka dhigtay agagaarka Isgoyska Mariinada, halkaasoo u sidaasoo kale degan yahay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Taliyihii hore ee NISA Jen  Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka hadlay falka lagula kacay ayaa sheegay in lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee Degmada Cabdicasiis,

Waxaa xusay in ciidamada rasaaseeyay aaney aheyn kuwii degmada ka shaqeyn jiray oo ay yihiin Ciidamo cusub oo goobtaas la geeyay caawa kuwaasoo lagu magacaabo Duufaan.

Jen. Tuuryare ayaa sheegay in rasaastaasi ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay, isagoo xusay in isku day dil uu ahaa falkaasi isla markaana uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha lagana jawaabi doono.

Wuxuuna laamaha amaanka DF ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dhacdadan, talaabada ku haboona laga qaado askartii ku lug laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -