Saadaq Joon oo Dhufeesyo iyo caro tuur ka sameestay Xaafada Shiirkole (Daawo Sawirro)

Xaafada Shiirkole ee magaalada Muqdisho ayaa xiligan gashay jawi ka duwan sidii hore, waxaana xaafadaasi hada isku bedeshay aag dagaal oo laga cabsi qabo in xili kasta dagaal uu ka qarxi karo.

Taliyihii hire ee ciidanka booliiska gobolka Banaadir Janaraal Saadaq Joon oo wata ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka ayaa saldhig ka dhigtay xaafada Shiirkole oo ku badan yihiin beesha uu kasoo jeedo.

Saadaq Joon iyo ciidankiisa ayaana hada xaafada qeybo kamid ah ka sameestay dhufeesyo iyagoona wadooyin badan oo xaafadaasi soo gala ku xiray caro tuur si ay difaac uga galaan hadii weerar lagu soo qaado.

Dadka degan xaafada Shiirkole waxaa lasoo darsay wal wal xoogan, iyagoonaĀ  ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo, dadkan ayaana qaar badan oo kamid ah xalay isaga qaxeen guryahooda kadib xiisad dagaal oo halkaasi laga dareemay.

Taliye hore Saadaq Joon oo xiligan mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya ayaa u muuqda mid dabada la galay deegaanka Shiirkole oo beeshiisa ku badan tahay si uu gabaad uga dhigto gurmadna u helo hadii ciidamada dowlada weerar kusoo qaadaan.

Dowlada Soomaaliya ayaana xalay shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Saadaq Joon iyo xaafada Shiirkole, waxa uuna sheegay Wasiirka Amniga in warka duulaanka ay yihiin kuwa ay abuurayaan siyaasiyiin uu sheegay in dano gaar ah leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -